Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Amb Dr Cali Saciid Faqi oo tababar u furay Xildhibanadda Maamulkaasi

21

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya  Amb Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta Magaalada Baydhabo tababar ugu furey Qaar ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Tababarka oo socon doono Mudo Afar Maalin ah ayaa Xildhibaanada Lagu bari doonaa  Waajibaadka Shaqo ee Loo igmadey Xildhibaanka

Sidoo kale,waxaana furi taanka Tababarkaasi ka soo qeyb galey labada Gudoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Dr Cali Saciid Faqi  Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya  ayaa Si rasmi ah U furey tababarka Xildhibaanada ,

Gudoomiyaha barlamaanka KGS  ayaa  ku booriyay in ay ka faa’ideystaan Mudada uu socodo tababarkaan .