Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo u digay Saraakiisha saldhigyada booliska

23

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan Dalab oo maanta xilka la wareegay ayaa digniin adag u diray Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Saldhigyada.

Waxaa uu sheegay in talisyada Saldhigyada looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkamada Ciidanka Qalabka sida.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale looga baahan yahay in ay hubiyaan oo eeggaan galka iyo marqaatiyada dadka lasoo qabto si waafaqsan sharciga dalka u yaalla.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa adeeg caddaaladeed oo tayaysan ayna ku qanacsan yihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo ciidanka qalabka sida.

Dhawaan ayay aheyd markii xilkaan loo magacaabay ka dib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii Maxkamada Ciidank