Gudoomiyaha Maxkmadda sare ee Ciidamada Puntland oo Kormeeray Xabsiag Boosaaso & Howlgalo ka socdo Halkaasi.

41

Wafdi balaran uu hogaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Maamulka  Puntland Sareeye Guuto Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa socdaal shaqo ahm waxa uu ku marayaa  Magalada Boosaaso ee Gobolak Bari

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Sareeye Guuto Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa waxa uu koormeray  xabsiag dhexe ee Magaalada boosaaso halkaasi oo ugu koor galayaya xaaladda Maxa biista ku jirta Xabsigaasi

Ugu  horeyna waxa ku soo dhaweyey taliyaha Jeelka  Magaalada Boosaaso Col Sure Saciid  isagoona uga warbixiyay xaaladda  Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Sareeye Guuto Maxamuud Cabdi Maxamed aya warbiixnta markii uu ka hdagetsyay masuuliyinta xabsiga waxa faahfaahin ka bixiyay waxyabhii uu ku soo arkay jeelka weyn ee Magaaalda Boosaaso

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Dowlad Goboleedka Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayay maadaama Boosaaso ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ka imaanaya dhinaca Puntland.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada Badda Puntland waxaa ay howlgalka ku qab  qabteen dad dhalinyaro u badan, kuwaas oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.