Gudoomiyahah Degmada Kaaraan Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

49

Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxii khasaaraha geystay ee barqanimadii Maanta ka dhacay Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino la geliyay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo ay saarnaayeen Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xildhibaan horey Xuseen Caraale iyo xubno kale oo la socday.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud Abshir Kaaraan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas ku dhinteen Askar ilaalo u aheyd Mas’uuliyiinta lala eegtay iyo dad shacab ah.