Gudoomiye  Caawa lagu dilay Beledweyne & faah faahin laga helayo

24

Faahfaahin dheerad ah oo laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dilay mid kamid ah mas’uuliyiinta Magaaladaasi Beledweyne.

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay xilliga Salaadii Maqrib ee Caawa ay xaafada Buundaweyn ee Magaalada Beledweyne ku dileen Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxumed (Kuukay dheere)

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxihii hubeysnaa ee dilkaasi fuliyay ay goobta ka baxsadeen, waxaana halka uu dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Beledweyne, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah halkaasi ka wada.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Beledweyne Caawa loogu egystay Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn, waxaana horay Magaalada Beledweyne loogu dilay Guddoomiye Xaafadeedyo, kuwaas oo dilkooda ilaa iyo hadda aan dad loo qaban.