Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali Najah oo Xilka Ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeeladda Hoose.

99

Magaalada Baraawe ee Xaruunta Maamulka Koonfur Galbed Soomaaliya  waxa lagu qabtay Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Gudoomiyhii Hore ee Maamulka shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Najah Iyo Gudoomiyaha Cusub Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur Siidii.

Gudoomiyihii Hore ee Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa maanta oo ay taarkihda ku beegantahay 22 bisha November waxaa si rasmi ah xilka ugu  wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabellaha Hoose Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur Siidii ka dib munaasabad ka dhacday Degmada Baraawe.

Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali Najah oo  ka hadlayay Munaasabadda xilwareejinta  ayaa waxa uu sheegay in mudadii 20 bilood ah uu soo maamulayay Gobolka isla markana  uu mudadaasi xaqiijiyay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshadda sida Tabbabaridda maamulada,Daadajinta nidaamka dowliga ah,qodista kannaalo ay ku diirsadeen bulshadda, xureynta deegaano iyo degmooyin,hirgelinta in maamulka gobolka uu yeesho xafiis u si buuxdo ugu shaqeeyo, hirgelinta leerarka ku shaqeeya Cadceeda, furista wadooyin xirnaa, Dhismaha xarumaha ay ku shaqeenayaan maamulada Degmooyinka,Saldhigyada Booliska,MCH-yo iyo la dagaalanka Al shabaab oo dhibaata ku hayay shacabka.

Sidoo kale Gudoomiyihii Hore ee Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa u mahadceliyay cid kasta oo garab ku  siisay shaqooyinki uu  ka soo qabtay  Gobolka shabeeladda Hoose oo ugu horeeyo Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen ,Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS,iyo DFS  Wasaaradda Warfaafinta XFS, Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed iyo kuwa Amisom Saaxibadda Caalamka si gaar hey’adaha xilliga adag la soo shaqeeyay gobolka iyo Guud ahaan Dowladda Federalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeeladda Hoose Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur Siidii oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay Gudoomiyihii hore Gobolka Hon Ibrahim Adan Ali Najah sida hagar la’aanta aheyd ee uu ugu shaqeey shacabkiisa Mudadii uu Xilkaan hayay

Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur Siidii ayaa dhankiisa tilmamay in nuu sii wadi doono howlihii uu waday Gudoomiye