Gudoomiye Ibrahim Adan Ali-Najah oo u Hambalyey dhamaan ummada soomaaliyeed maalinta calankenna quruxda badan.

36

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Ibrahim Adan Ali-Najah oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Gudoomiye Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa shacabka Gobolka Shabeelada Hoose ee Maamulka Koonfur Galbed iyo Guud ahaan Ummadda  Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar wuxuuna Alle naxariis uga baryay dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta waa maalin wayn,Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, “sidaana waxaa yiri Ibrahim Adan Ali-Najah.

Ugu dambeyn Gudoomiye Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa shacabka soomaaliyed  u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa kale Alle ku gaarsiiyo Nabad  iyo  Barwaaqo