Gudoomiye Ibrahim Adan Ali Najah oo u Hambalyey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka SH Hoose .

28

Gudoomiyaha Gobolka Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolak Shabeeladda Hoose oo manata uu magacabay Madaxweynaha Maamulka KGS

Gudoomiye  Hon Ibrahim Adan Najah ayaa Mareegtiisa ku qoray sidan”Waxaan u hambalyeena Walaalkey Cabdiqaadir Siidii oo Madaxweynaha Koonfurgalbeed u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose, Siiidi waa waaya-arag wax badan u soo joogay xaaladaha is bad-badal ee Gobolka.

Alle hala garab galo masuuliyadda aan ogahay culeyska ay leedahay,waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo oo aan garab siiyo.

Waxaan u mahadcelinaa Madaxweyne Cabdicasiis oo inta aan la shaqeenayay ii ogalaaday inaaan si hufan oo daacad ku jirto ugu adeego bulshadeena.

Xilku waa meeeto waana sunno isbadalka.