Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo oo Daah furay Tababar +Sawirro

35

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo dhanka maamulka iyo maaliyadda Mudane Yusuf Barre Mohamed ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar loogu tala galay Gudiga Xalinta khilaafadka degmadda Baydhabo oo luuqada qalad lagu yiraahdo ( Baidoa Land Dispute Committee).

Sidoo kale Mashruuca Dhulka Nabadda ee (Land For Peace), oo ay maal galiyeen hay addaha kala ah NRC,IOM& UNHABITAT.

Mashaaricdaan ayaa waxaa loogu tala galay in lagu dhiso bulshada degmada Beydhabo iyo deegaanada hoos yimaado.

Tababarkan ayaa waxaa ka faa”ideysan doono qeybaha kala duwan ee maamulka degamada Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasi oo laga wacyi gelinaayo sida loo xaliyo qilaafka la xariira muranka dhulka .

Dhinaca kale tababarkan ayaa waxaa lagu qadanayaa Mashruuca dhulka Nabada .

Siminaarkaan ayaa waxaa casharo la bixinaayo khubarro aqoon u leh xalinta khilaafaadka .