Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo siyaasada G/Sh.hoose oo kormeeray isbitaalka iyo xarunta maamulka Degaanka Ceeljaale

115


Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda Gobolka Shabellada Hoose mudane abuukar Cabdalla Bashiir ayaa maanta kormeeray isbitaalka iyo xarunta maamulka Degaanka Ceeljaale ee degmada Marka

Abuukar Cabdalla Bashiir ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka iyo Xarunta maamulka deegaanka Ceeljaale wuxuuna ka wareeystay sida ay u shaqeeyso xarunta iyo hormarka lagaaray xarunta oo dhawaan lafuray ayaa waxa uu gudoomiyuhu shaqaaleheeda ku amaanay sida hagar la’aanta ah ay ugu adeegaan Buslshada Deegaanka Ceeljaale ee Gobolka Shabeelada Hoose

Mudane abuukar Cabdalla Bashiir oo dhawaan uu magacaabay wasiirka wasaarada arimaha Gudaha dowlada Hoose iyo dib u sheshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Somaliya ayaa deegaanka janaale gaaray asbuucii lasoo dhaafay wuxuuna wuxuuna kormeerkaasi ahaa kii ugu horeyey tan iyo markii xilka loo magacaabay