Waxaa goor dhaw hooygii uu ka deganaa degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Wanllaweyn Maxamed Cabdullahi Koosto.
Weerar sida lasheegay ku bilaawday rasaas kadibna uu xigay qarax ayaa lagu qaaday gurigiisa, ayadoo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen qaar ka mid ah Qooyskiisa
Illaa hadda lama oga cidda geysatay weerarkaas, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.