Gudoomiye Mursal oo farriin u diray xukuumadda cusub

40

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay ka qeyb-galay munaasabad loogu mahad-celinayey xildhibaanada golaha shacabka, kadib ansixintii golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socota 2020/21.

Gudoomiye Mursal ayaa farriin u diray xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna shaaciyey in looga fadhiyo inay ka shaqeyso sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigii loo asteeyey

Dhanka kale Mursal ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta Golaha shacabka Aqalka sare iyo tan Madaxweynaha.

Kadib markii horey madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboledyada heshiis uga gaarayn magaalada Muqdisho.