Gudoomiye Najah oo booqday goobihii uu ku fatahay Wabiga Shabeele

151

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ibrahim Adan Ali (NAJAH) ayaa maanta gaaray degmada Afgooye oo fatahad ba an uu ka geystay wabiga shabelle,

Godoomiye Ibrahim Adan Ali Najah oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Gudoomiyaha Haweenka iyo Maamulka degmada Afgooye ayaa halkaasi tagay si ay u soo indha indheeyaan saameynta uu fatahaada wabiga shabelle ka geestay Degmada Afgooye,

Ibrahim Adan Ali najah ayaa sheegay fatahaada Wabiga shabeele uu geeystay in ay tahy mid saameyn weeyn ku yeelatay Shacabka Degmada Afgooye ayna jiraan shacab ka barakacay guryahooda

,Gudoomiyaha ayaa balan qaaday in dadaalkooda ay iskugu geyn doonan xakameynta fatahaada sidoo kalana ay garab siin doonan shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartay biyaha Fatahaada Wabiga shabeele,

Qeeybo kamid ah xaaafadaha degmada Afgooye oo uu ku soo fatahay wabiga shabeele ayaa sababtay in shacab badan ay ka barakacaan guryohooda

DAAWO SAWIRADA