Gudoomiye Najah oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamanka KGS

120



Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ibarahim Aadan ali najah ayaa maanta kulan xog-wareeysi ah laqaatay
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Ali Sacid Fiqi,

Kulanka labada masuul ayaa ahaa mid ay uga wada hadleen aayaha Gobolka Shabeelada Hoose ayagoona soo wada qaaday hormarada Uu sameyey gobolku tan iyo markii loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka haatan ibraahin aadan Ali najah

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Ali Sacid Fiqi ayaa ka hadlay hormarka gobolku uu hataan ku tilaabsaday wuxuuna amaan u soo jeediyey gudoomiye ibraahin aadan najah oo uu ku timaanay masuul wax badan ka badalay Gobolka

Gobolka shabeelada Hoose ayaa mudooyinkii dambe ku tiigsananyey wadada hormarka Iyo Nabada ayadoo ay jireen Goobo badan oo hor leh oo ciidanka dowlada ay kala wareegayen ururka Al-Shabaab oo mudo sanado ah ka ariminaayey