Gudoomiye Najah oo lagu Xasuusan doono Howlihii iyo u adeegiida Bulashadda Gobolka SH /Hoose

57

Kadib mudo ku dhaw sadex sano oo uu ahaa gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoosee mudand Ibrahim Adan Ali Najah ayaa maanta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu isbadal ku sameeyay maamulka gobolka Shabeelada Hoosee, isagoo gudoomiyaha cusub ee gobolka u magacaabay mudane Cabdi Qaadir Siidii.

Mudane Ibrahim Adan Ali Najah gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa hambalyo diiran la wadaagay gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelada mudane Cabdi Qaadir Siidii, isagoo u rajeeyay in uu alle la garab galo mas’uuliyada cusub ee lagu aaminay.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelada Hoose mudane Najah ayaa mudadii uu majaraha u hayay gobolka Shabeelada Hoose waxa uu qabtay howlo fara badan oo maamulkiisa lagu xasuusan doono.

Si kastaba ha’ahaatee gudoomiye Najah ayaa dhinacyada maamulkiisa ay xoojiyeen mudadii uu xafiiska fadhiyay waxaa kamid ah dib udhiska, dhaqaalaha, is dhex galka bulshada, ganacsiga iyo horumarinta dhalinyarada gobolka Shabeelada Hoose.

Waxyaabaha la taaban karo ee  maamulkii gudoomiye Najah lagu xasuusan doono ayaa waxaa ugu horeeya dib udhiska xarumaha mamulada degmooyinka iyo.deganada oo guulo taariikhi ah laga gaaray mudadii uu xafiiska joogay.

Goobo taariikhi ah degmooyin,deegaano  iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu guuleystay in laga xoreeyo cadowga Al-shabaab, taas oo kamid ah guulihii dhanka amniga ee maamulka gudoomiye Najah uu gaaray mudadii uu xafiiska joogay.

Si kastaba Dhalinyarada Gobolka Shabeeladda Hoose Hoose waxaa ay  soo dhaweyeen hogaanka cusub ee gobolka Shabeelada Hoose ee uu majaraha u hayo gudoomiye Cabdi Qaadir Siidii

Dhalinyaradaan ayaa tilmaameyn in ay  diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka cusub.