Gudoomiyihii Iyo Taliyihii Booliiska Goof Gaduud Oo Qarax Lagu Dilay

45

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ismiidamin oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab saaka ku qaadeen Xerada Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka Goof-Gaduud Buureey ee gobolka Baay.

Dagaal culus oo Maanta barqadii soo gaaray ayaa Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degaanka G-gaduud Buureey,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Xerada la weeraray ay ku baxeen Guddoomiyihii degaanka Goof-gaduud Buureey Isaaq Cali Isaaq & talihii Ciidanka Booliska degaankaaas Xasan Bakaa, hayeeshee ay ku dhinteen qarax ka dhacay Goobta uu dagaalka ka socday,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Goof-gaduud Buureey ayaa waxaa ay sheegayaan in weli degaankaas laga maqlayo rasaas goos goos ah,waxaana degaanka ku baxay Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeen degaanka Goof-gaduud,isla markaana ay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada.