C/Kariin Guuleed oo walaac ka muujiyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare

40

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal soo saaray ayaa walaac ka muujiyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee ay maanta shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Cabdikariin Guuleed ayaa ku taliyey in dib u eegis lagu sameeyo natiijadaas, maadaama ay kaalmaha hore ku soo baxeen ardayda dugsiyada sare ee ku sugan gobollada.

Halkan hoose ka aqriso qoraaalka:

Sida ay dhammaan gobollada Soomaalidu isugu key mid u yihiin oo aan u jeclahay iney xaqooda helaan ayaan sidoo kale u jeclahay in ardey walbana uu xaqiisa helo. Mugdi badan ayaa iiga muuqda natiijadan waxaana sababaha ka mid ah.

1-Sida ka muuqata jaantuska natiijada imtaaxanka waxaa guud ahaan u fariistay 32,727 arday, waxaana haray/dhacay 8,550 arday, taas oo ka dhigan 25.35% celcelis ahaan. Tani waa arrin argagax leh muujineysana fashal muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada ee dalka marka indho aqooneed lagu eegno .

2- Dhanka kale jaantusku waxuu ina tusayaa in ardada gobalka Banaadir ka dhacday ay yihiin 7,873 arday taas oo ka dhigan in 90% ardeyda dhacday ay ahaayeen ardeyda hal gobol imataxaanka u gashay. Waana arrin kale oo iga maajisay dad badanna shaki ku abuurtay.

Intaas iyo in ka badan oo la wada fahmi karo in aaney maangal aheyn ayaa natiijada maanta ka muuqatay, waxaana rajeynaya iney ila qabaan indheergarad badan oo muddo dheer waxbarashada kasoo shaqeeyay.

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka ah in aan la fududeysan mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo walaaca waalidiinta heysta, sigaar ah waxaan usoo jeedinaya in guddi heer Qaran loo saaro arrintan oo xaqiijin ku sameeya hufnaanta habkii loo qaaday imtixaankan iyo habkii loo saxay intaba.