Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle oo ka bilaabanaysa Jowhar.

32

Murashixiinta u tartamaya Qabashada Xilka Madaxweyne ee dowlad Goboleedka  Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan Khudbadahooda musharxnimo , waxaana ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Murashixiinta ayaa  shalay la diiwan galiyay seddex Murashax, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada   Madaxeeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ay Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha Hirshabelle

Dhinaca  kale waxa la filayaa in khudbadahooda ay ka jeediyaan  Musharax Yuusuf Axmed Hagar oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle. iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]oo isna u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle .

Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.