Halkee buu ku dambeyndoonaa Heshiiskii Khaatumo & Somaliland

36

Xili uu geeriyooday hogaamiyhii khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa soo baxaya warar sheegay in sameyn ku yeelato geerida heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Khaatumo.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay halka uu ku danbeyn doono heshiiskii dhexmaray Soomaaliland iyo Khaatuma ayaa waxaa uu sheegay in aysan xiligaan wax sameyn ah ku yeelan doonin dhimashada Cali Khaliif heshiiskii horey loo gaaray.

Hogaamiyaha UCID ayaa waxaa uu tilmaamay in wali ay jogaan siyaasiyiin kale oo wax kala socday heshiiskaasi halkiisan ay ka sii wadi doonan.

Dhinaca kale warar soo baxay ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu jiray khilaaf labada dhinac ah kuna saleysan qaabka doorashada gobolada Sool iyo Sanaag iyo tirada uga soo aadeyso xildhibaanada ku matalan Khaatumo somaliland .

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu meesha ka sarayaa shakiga laga qabay in heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland meesha ka baxo.

Ilaa iyo hadda madaxda hogaamisa Somaliland kama aysan hadlin arrinkaasi.