Hantidhowraha guud ee DGKGS oo warbixin siiyay Golaha wakiilada Maamulkaasi

35

Gudiga Maaliyada, Qorsheynta iyo tirakoobka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo gudanaya waajibkiisa shaqo ee korjoogteynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa maanta oo ay taariikha tahay 5/12/2020 waxa ay booqasho iyo kormeer ku tageen xafiiska hantidhowrka guud ee DGKGS.

Kullanka waxaa kasoo qeybgalay hantidhowraha guud ee DGKGS mudane Omar Ahmed Hassan iyo dhamaan howl-wadeenada xafiiska hantidhowrka.

Kullanka ayaa warbixin kusaabsan guulaha xafiiska hantidhowrka uu ku talaabsaday iyo caqabadaha xafiiska ku hor gudban looga dhegeystay hantidhowraha guud ee DGKGS mudane Omar Ahmed Hassan.

Kullanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha gudiga Maaliyadda golaha wakiilada DGKGS  Xildhibaan Saciid Ahmed Cali.