Sunday, October 17, 2021
Bogga Hore Wararka Manta HAWLGALLO KA BILOWDAY MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE PUNTLAND

HAWLGALLO KA BILOWDAY MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE PUNTLAND

33

Hawlgallo la xiriira xaqiijinta iyo dardar gelinta Amniga, ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Ciidanka Booliiska Puntland oo kaashanaya laamaha kale ee Amniga dowladda, ayaa hawlgallo ka bilaabay magaalooyinka ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoojinayo Amniga, islamarkaana lagu beegsanayo cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida Puntland.

Hawlgalladan ayaa ku soo beegmay, iyadoo horraantii todobaadkan Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo.