Hay’adda NISA oo qorshe u dajisay doorashooyinka 2020/2021

19

Sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya, islamarkaana ay heshay warbaahinta waxaa jira qorshe ay dajisay ha’adda NISA oo ku aadan doorashada 2020/21.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qorshahaasi xooga lagu saarayo soo laabashada madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xogta ayaa sheegeysa in NISA ay ballan qaaday in ay soo saari doonto xildhibaano badan oo isugu jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshahaasi uu fulin doono taliyaha hoggaanka dabagalka siyaasiyiinta Cabdullahi Daahir (Cabdullahi Dheere).

Sidoo kale waxaa loo xil-saaray arrimaha amniga, si uu ula socdo dhaq-dhaqaaq guud, isaga oo bedali kara liiska ergada beesha haddii uu tuhumo magacayada qaar.

Arintaan ayaa la sheegey in ay sabab utahay in madaxweyne Farmaajo ogolaado in la soo dedejiyo doorashada xildhibaanada iyo tan madaxweynaha intaba.

Taageerada ugu badan ayaa waxaa lagu soo warramaayaa inay bixineyso dowladda Qatar, iyada oo shalay saraakiil ka tirsan NISA oo ka yimid dalkaas ay soo gaareen Muqdisho, kuwaas oo la rumeysan yahay inay keeneen lacagihii lagu geli lahaa olalaha doorashada.