Heshiisyo horudhac ah oo laga gaaray Shirka Dhuusamareeb.

16

Magaalada Dhusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa maalintii labaad weli ka socda shirka dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa lagu soo warramayaa in isu soo dhawaasho ay jirto, Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in uu shirka si habsami leh uu u socdo.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ciid ayaa sheegay in ay jiraan qodobo is-faham laga gaaray oo ay kamid tahay soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka ku metelaya Soomaaliland.

Shirka Dhuusamareeb ayaa ah kii afaraad oo magaaladaasi lagu qabto islamarkaana looga wada xaajoonayo arrimaha doorashada ee dalka