Friday, June 25, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Hirshabeelle iyo KGS oo bedelay xubnihii la soo eedeeyay ee ku jiray...

Hirshabeelle iyo KGS oo bedelay xubnihii la soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada

16

Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bedelay xubnihii la soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransanaa, kuwaasi oo kala shaadhayntoodu ay maalmahaan socotay, waxaana jiro xubno ka tirsan kuwii ay soo gudbiyeen maamul Goboleedyada oo dib loo celiyay kadib baaritaan ay sameeyeen Guddigii loo xilsaaray arrimhaaasi.

Maamulka Hirshabelle ayaa afar xubnood ku soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.
Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa labo xubnood soo bedelay oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.
Hoos ka aqriso Qoraalka labada Maamul.