Hirshabeelle Oo Soo Saartay Go’aan Looga Hortegayo Cudurka COVID-19

27

Maamulka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta soo saaray Go’aan cusub oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Warqad kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar ayaa waxaa dhamaman shacabka kunool Magaalada Jowhar la faray inay joojiyaan isugu imaatinada, sida shirarka xafladaha, Aroosyada iyo wixii lamid ah.

Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday inay qaatan tallooyinka Caafimaadka ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida Cudurka COVID-19 oo kiisas farabadan laga helay deegaanada Maamulka Hirshabeelle.