Hirshabelle oo taageertay go’aankii Madaxweyne farmaajo

33

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday maamulkii u horeeyey ee soo dhaweeyey go’aankii uu shalay qaatay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdllaahi Farmaajo ee gobalka Banaadir u ogolaanayay Metelaada Aqalka Sare ee soo socda.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kusifeeyey go`aanka xubnahan loogu ogoladay gobalka Banaadir mid xaquuq ah oo uu xaq u lahaa gobalkas, maadaama ay dhammaan gobalada kale ee dalku haystaan metelaadan.

Mr, Guudlaawe aya uga mahadceliyey Madaxweynaha DFS go’aankiisa oo uu sheegay in uu muhiim u yahay dawladnimada iyo xaquuqda shacabka gobalka Banaadir.

Tanni, waxay ka dhigan tahay bilowga mowjado cusub oo siyaasaded, kuwaas oo ay dawlad gobaleedyada Galmudug & Hirshabeelle horboodi doonaan, ayna muujinayso sida ay doonayaan in xubnahan ay noqdaan kuwa sharci ah.

Sida loo hirgalinayo doodo waa weyn ayaa ka taagan, waxaana arrimaha murugsan ee doorashada ay ku noqon doonta caqabad kale oo ka gudbi-deedu waqti qaadan doonto.