Hon Ibrahim Adan Ali Najah oo tacsi u diray Dadkii ku geeriyooday Qaraxa Caawa ka Dhacay Muqdisho.

37

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Shabeelada Hoose kana mid ah Siyaasinta Dowlad Goboleedka KGS hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa u tacsiyeeyay dhamaan ummada soomaaliyed gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday Qaraxa Caawa ka dhacay Muqdisho .

Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa si kuluul u cambaareyay falkaasi argagaxisinimo ee lagu xasuuqay dadka aan waxba galabsan .
Qoraal tacsi ah oo uu soo saaray ayuu ku yiri: “Allaha u naxariisto dhalinyaradda Soomaliyed ee ubaxa dalka aha oo ay Argagixisadda ku xasuuqen Gelato Devino.Qabriga allaha u waasiciyo.”

Sidoo kale Mudane Najah ayaa waxaa uu Alle caafimad ugu baryey kuwi ku  dhawacmay qaraxa  in Caafimaad degdeg ah ay helaan.

Ugu dambeyntii Mudane Najah ayaa ku tilmaamay Argagixisadu in ay yihiin kuwa aan laheyn mabda diin iyo naxariis waxa ay markasta u taaganyihiin xasuuqa Ummadeeda soomaaliyeed.