Horjooge Al-Shabaab u Qabilsanaa SH/ Hoose oo Nolosha Lagu Qabtay.

13

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ayey kusoo qabteen sargaal sare oo katirsanaa Ururka Nabad diidka Al Shabaab.

Ciidamada Danab ayaana gudaha u galay guri uu degmada Wanlaweyn uga sugnaa Maxamuud Maxamed Sheikh Cali oo saraakiisha ciidanka dowlada sheegeen in uu ahaa Madaxa dilalka qorsheesan ee Ururka nabad diidka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa sheegay in xog ku heleyn in Habeen kahorĀ  soo galay degmada Wanlaweyn kuna dhuumanayo madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan ayna ciidamada ku guuleesteen in nolosha kusoo qabtaan.

Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose.