Warar lagu kalsoonan karo ayaa tilmaamay in ciidanka Kumandoska Somalia ee Danab ay howlgal qorsheysan ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa Sheegay in Howlgalka lagu dilay C/qaadir Yuusuf Abuu Xamsa oo Al-shabaab u qaabilsanaa tababarada iyo Maaliyada.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegaya in howlgalkan uu ka dhacay degaanka xeebta ee Jilib-Marka oo hoosyimaado magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose
Dhinaca kale Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa sameeyay howlgalka lagu soo qabtay xubno kale oo ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab, kuwaasoo oo sharciga la marin doono.