Horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Baay

48

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa K/Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay waxaa ay ku khaarijiyeen horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ka dhacay meel khayaas ahaantii 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macalin Cabdi,kaasi oo magaciisa is afgarashada Alshabaab lagu sheegay(Ibraahim Geney).

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolada leh 8 qasnadood,sida uu ku soo waramay wakiilka warbaahinta Qaranka ee gobolka Bay Siraaji SHeekh Isxaaq.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.