Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka Hir-shabeelle ay howlgal baaritaano ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen in uu yahay mid amni xaqiijin ah, waxaana lagu soo qab-qabtay tobanaan qof oo dhalinyaro u badan.
Sidoo akle Saraakiisha ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaas lasoo qabqabtay looga shakisanyahay inay maleegayeen falal ammaan-darro, haatana ay baaritaano ku socdaan.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Jowhar ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo fuliyeen kooxo hubeysan.