Howl-gallo dad badan lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Kismaayo

67

Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyey magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuw qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay 20 ruux oo isugu jira dad iibinayey maadooriye iyo kuwa isticmaalayey.

Warsame Axmed Rooble ayaa sheegaya in u jeedka howl-galladan uu yahay sidii loola dagaalami maandooriyaha, si looga sifeeyo magaalada oo dhan.

Ammaanka Kismaayo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si aad ah loo xoojiyey, waxaana howl-gallo baaritaano ah ka waday ciidamada Booliiska ee maamulka Jubbaland.