Howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Kismaayo

28

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday mid ka mid ah hoteellada ku yaalla gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladaas ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad lagu tuhmayo weerarka, islamarkaana ay haatan ku hayaan baaritaano.

Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, hayeeshee waxaa haatan ka billowday baaritaano looga hortagayo falakaasi.