Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo Dib-u-heshisiinta KGS iyo godoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada ayaa maanta kormeer shaqo kusameeyen wadooyinka dayactirka kasocda ee suuqa magaalada Baydhabo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo Dib-u-heshisiinta KGS iyo godoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada ayaa markii ay tageen wadooyinka ay ka socdaan dib u dhiska ayaa waxa ay warbixino ka dhageysteen howlaha shaqada ay u socdaan .
Mashruucan ayaa qeeb ka ah barnaamijka Dalkaadi_dhiso oo shacabka, ganacsatada iyo Dowladaha Hoose iska kaashadeen kaas oo wasaaradda gaarsiindoonto dhamaan deegaanada KGS.