Howlgal Lagula Dagaalamayo Ayaxa oo ka Bilowday Galmudug

34

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo Maalmahaan ku sugnaa Gobolka Muudg  ayaa  daah-furay mashruuca la-dagaalanka Ayaxa Galmudug oo dhibaato badan ku yaalla beeraleyda Halkaasi .

Munaasabad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug isagoo furitaanka mashruuca kala qayb galay wasiirka Wasaaradda Beeraha Galmudug, Wasiirka Amniga, Wasiir Dowlaha Arrimaha Guddaha iyo Wasiir dowlaha waxbarashada Galmudug.

Mashruuca lagula dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Wasaarada Beeraha Galmudug iyo Hay’adda FAO oo qaramada midoobay u qaabilsan beeraha, waxaana lagu fulinaya diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca iyo gaadidka Wasaaradda beeraha Galmudug.

Dadka beeraleyda ah ee degan deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ku qabaan Ayaxa, isla markaana uu ka baabi’iyay dhul-daaqsimeedyo, iyagoona dalbaday in arrintaas wax laga qabto.

Sanadkii hore dhamadkiisa iyo sanadkaan aynu ku jirno ayuu ahaa markii Ayax aad u tiro badan oo baabi’yay dul beered aad u baaxadweyn iyo dhul daaqsimeyd ku fadhiyo dhul aad u weyn .