Howlgal Miino Baaris ah oo laga Sameeyay Qeybo ka mid ah Shabeeladda Hoose

29

Ciidamada Maamulka gobolka Shabeelada Hoose oo Kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,howlgalo miino baaris ah

Sarakiisha Ciidan e eHowlgalkaan Hogaamineyso  ayaa  sheegay inay soo saareen miinooyin dhowr ah oo ay Aaseen ururka Nabad diidka ah ee  Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen wadada xiriirisa degaanada buufoow bacaad iyo janaale oo hoostaga Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay sameeyeen guutada 14-ka Oktoobar xoogga dalka  iyo kuwa  Maamulak Gobolka sahbeelada Hoose ayaa lagu soo saaray Saddex miino oo Al-shabaab wadada galiyeen, halka lagu soo qabtay mid kamid ah raga miinada Aasayay,sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar ee howlgalka sameeyay.

Dhinaca kale Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay tilmaamayaan  in Ciidamada Dowladda ay weli ka wadaan Gobolkaas howlgallo Miina baaris ah, xilli dhowr jeer Ciidamada qaraxyo Miino lagula eegtay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Maamulka Gobolka shabeelada hoose ayaa horey u sheegay in ay deeganada maamulkasi laga bilaabi doono howlgalo Miino Baaris ah si shacabak iyo Ciidaanka loga Badbaadiyo dhagarta ay maleegayaan Maleeshiyaadka Al-shabab.