Howlgallo ballaaran oo ka socda magaalada Gaalkacyo

64

Ciidamada ammaanka Galmudug, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka bilaabay magaalada Gaalacyo ee gobolka Mudug.

Howlgallada oo aha kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan waddooyinka magaaladaasi, iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidkaba.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Galmudug ee horkacaya howlgallad ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa lahaa amniga koonfurta Gaalkacyo.

Amniga Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayaye, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga iyo iskahor imaadyo intaba.