Howlgallo ka socda Gaalkacyo

28

Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka Magaaladaasi ka wadda howlgallo Ballaaran oo ay ku baadigoobayaan Kooxaha hubeysan ee dilalka iyo Qaraxyada ka geysta Gaalkacyo.

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa Saaka inta badan howlgallo ka wadda Xaafaddaha Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Galmudug.

Ciidanka Amniga ayaa howlgalka kusoo qabtay boqolaal qof, waxaana ay sheegeen in ay ku sameyn doonaan baaritaano.

Howlgallada ay waddaan Ciidamada Ammaanka ayaa yimid ka dib markii Jimicihii hore Qarax lagu dilay Saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.