Howlgallo laga sameeyay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

100

Ciidamada Booliska Galmudug ee ku sugan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Saacadiii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysa ka sameeyeen Xaafadaha iyo wadooyinka degmadaasi.

Howlgalka ayaa badankiis waxaa uu ahaa mid lagu baarayay laguna hubinayay Gaadiidka yar yar ee mara wadooyinka degmada Cabudwaq iyo dadka saaran,waxaana Gawaarida qaarkood ay ka fiiqayeen muraayadaha madow

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Galgaduud Maxamuud Dhagahoor ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale uu ahaa mid ay uga hortagayaan waxyaabaha maanka dooriya oo mararka qaar ay dadka isticmaalaan kana Ganacsadaan.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha maanka dooriya ay keeni karaan amni darro, waxaana uu u digay dadka isticmaala maandooriyaha, isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.