IGAD oo war ka soo saaray Doorashada Somaliya

45

Madaxda Urur Goboleedka IGAD, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay Khadka internet-ka ah (Video-conference), waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.

Intaas kadib Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD, waxaa laga soo saaray War War-murtiyeed, isla markaana waxaa lagu bogaadiyay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho.

Sidoo kale War-murtiyeedka Urur Goboleedka IGAD, waxaa lag soo dhaweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka