Imaaraadka Carabta Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Yeeray Dowlad KMG Ah

32

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, una dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda kasii dareysa ee Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho ee ka dhalatay rabshadihii dhacay iyo awooda loo sheeganayo shacabka.