Inqilaab Millateri oo ka dhacay dalka Myanmar.

67

Inqilaab Millateri ayaa ka dhacay dalka Myanmar, ciidamada oo ka cabanaya in doorashooyinkii dalkaas lagu shubtay ayaana xukunka xoog kula wareegey saaka arootii.

hogaamiyaha xisbiga haya talada dalka Aung San Suu Kyi, madaxweynihii Mr- Win Myint iyo shaqsiyaad kale oo sarsare oo katirsan xisbiga xukuma dalkaas ayey millaterigu xabsiga dhigeen.

Qadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw ayaa go’an, Dowladaha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa cambaareeyey afgambiga Myanmar.

Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar, ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan.