Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

56
A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, mana jiraan wax gaadiid ah oo saakay isaga gooshaya, inta badan degmooyinka caasimadda.

Ciidamada ammaanka oo wata gaadiid dagaal ayaa xalay la soo dhigay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo gaadiidka ku amraya inuu dib uga laabto goobaha ay joogaan.

Lama oga ujeedka saakay loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, marka laga reebo in saakay lagu waabareystay wadooyinka oo xiran.

Shalay ayaa sidaan oo kale loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo dejinayey meydka Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi oo Muqdisho lagu aasay, isla shalay oo Jimco aheyd.

Hase yeeshee gelinkii dambe ee shalay illaa xalay waxaa furnaa wadooyinka saakay lagu waabareystay iyaga oo xiran.