Internetka oo ku soo laabtay Koonfurta Soomaaliya

161

Waxaa galabta dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka oo in ka badan 30 saacadood ka maqnaa gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dareemay maqnaanshaha Adeega Internet-ka oo hawada laga waayey baqanimadii shalay.

Internet-ka oo intiisa badan ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta Somtel, Hormuud iyo Somnet ayaa mar kaliya go’ay shalay barqadii, waxaana la sheegay inay cilad ka dhacday dhinaca fiilada Fiber optica ee badda dhex-taalla.

Mudada uu go’naa qadka internet-ka ayaa waxaa uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Shirkadaha, Xafiisyada dowlada, Xawaaladaha, iyo meelo kale,