Is-Rasaaseyn Khasaare Geysatay Oo Ka Dhacday Xaafaddo ka mid ah Muqdisho

68

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeyso is-rasaaseyn kooban oo Maanta Duhurkii  ku dhex-martay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab.

Wararka aan ka heleyno degmada Dharkeenley  ayaa sheegaya  in Ninka ka tirsan Al-Shabaab oo ugu horreyn weeraray askarta, hase’ahaate iska cabin ay sameeyeen waxaa halkaasi ka dhashay Khasaare kala duwan.

Sida ay Xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Dharkenley waxaa halkaasi ku dhawaacmay 3-askari oo ahaa kuwa la weeraray iyo ninkii Dhagar qabaha  Al-Shabaabka ahaa.

Maamulka degmada ayaa waxa uu xaqiijiyey in haatan gacanta lagu hayo ninkii weerarka geystay oo Dhaawac ah .

Inta badan Magaalada Muqdisho waxa ka dhaca iska Horimaad u dhaxeeyo Maleeshiyaadka Al-shabab iyo Ciidamada Dowlada kuwaasi oo ka dhalata khasaarooyin kala Duwan