Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn

53

Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada-tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay suuqa Muuri oo ku yaalla agagaarka aargada degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray is-rasaaseynta ay timid, kadib markii ciidamadaasi oo dhowaan la geeyey Wanlaweyn ay isku qabteen arrimo la xiriira canshuur.

Ugu yaraan saddex askari ayaa dagaalka ku dhimatay, iyadoona ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Inta badan isku dhacyada ciidamada dhexdooda ayaa ku soo laa-laabta gudaha dalka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.