Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

28

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Is-rasaaseynta oo khasaare geysatay ayaa timid, ka gadaal markii ay isku dhaceen ciidamo Milatari ah iyo kuwa Booliis ah oo ku sugnaa isgoysta Tarabuunka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammmaanka Soomaaliya oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan isku rasaaseeyey gudaha caasimadda, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah.