Isku socodka Wadada xiriirisa Muqdisho & Baydhabo oo Fatahaada Wabiga ay Jareen

39

 

Wararka naga soo garaya Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ay  go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo kadib markii Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka saameeyay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan waxaana kala go,an isu socodka bulshada.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo baydhabo ayaa markii hore waxaa ka jiray dhibaatooyin dhanka Amniga ah, balse ay haatan soo korortay in fatahaada Wabiga ay jaraan Buunadad Tuulada warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaar ka mid ah dadkaisticmaala wadadaan  ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada in ay go’do Wadadaan Muhiim u ah isku xerka seddexda Gobo lee Banaadir Shabeeladda Hoose Iyo  Gobolka Baay .

Fatahaada Wabiga Shabelle  ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool deegaanada shabeellaha hoose waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan oo ay sababeen fatahaadaha webiga.

Maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose aya waxa uu wadaa dadaalo dadkaasi loogu Gurmanayo si loo gaarsiiyo Gargaar caawimaad ah

Mas’uliyinta Gobolka ayaa waxa ay Bilaabeyn in wax laga qabto Fataahadaha soo lab laabtay ee Wabiga Shabelle ka geesto Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeeladda Hoose .