Iskuul dugsi sare ah oo laga hir-geliyey degmada Waajid

55

Maaamulka degmada Waajid ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay iskuulkii ugu horreeyey oo dugsi sare ah, kaas oo laga hir-geliyey gudaha magaaladaasi.

Iskuulkan oo ay si weyn u soo dhoweeyeen bulshada deegaanka ku dhaqan ayaa waxaa munaasabadda daah-furka ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa madasha goobjoog ahaa ardayda wax ka barata degmada Waajid, kuwaas oo wejiyadooda laga dareemayey farxad maadaama ay heleen iskuul ku yaalla degmada.

Waajid oo ka mid ah degmooyinka gobolka Bakool ayaa sanadihii u dambeeyey horumar ballaaran ka sameyneysay dhinacyada adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.