Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday degaan ka tirsan Galgaduud

84

Wararka laga helayo degaanka Biya Gaduud oo hoostaga Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Israsaaseynta ayaa waxaa ay u dhaxeeysay maleeshiyaad isku heystay jaad ( khaad ) laga keenay dalka Itoobiya, waxaana ku dhintay laba Ruux halka 5 kale oo Shacab ah oo kamid ahaa dadka degaanka lagu dagaalamay ay ku dhaawacmeen